Afgooye ( INO)-Duhurnimadii manta ayaa Qarax aad u xoogan waxaa meel 4 km u jirta qiyaastii degmada Afgooye Qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qarax ayaa lala beegsaday Bar Kontarool oo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaan lagu Magacaabo Bacaacow oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay waxaa Qaraxaasi nuuciisa loo maleynayo miinada dhulka lagu aaso ku dhintay 1 Askari halka 2 kale uu dhaawac ka soo gaaray.
Xiriiro aan la sameynay Masuuliyiinta maamulka Degmada Afgooye ayey ka gaabsadeen in faah faahin rasmi ah ay ka bixiyaan Qaraxaasi iyagoona ku gaabsaday in ay wadaan baaritaanno la xiriira.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.