Ankara(INO)-Wadanka Turkiga, ayaa waxaa aas loogu sameeyay qaar ka mid ah dadkii ku dhintay isku daygii afgambi ee la doonaayay in talada dalka looga xayuubiyo Madaxweyne, Recep Tayyip Erdoğan.
Madaxweynaha, ayaa waxaa uu Magaalada Istanbul kaga qaybgalay Salaadda Janaasada oo loogu sameeyay tiro ka mid ihi dadkii lagu dilay Magaaladaasi, habeenkii Jimcaha. Janaasadaan waxay ka dhacday Masaajidka Fatih.
Madaxweynaha, ayaa waxaa Salaadda Janaasada ku wehlinaayay masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Turkiga, Abdullah Olcak iyo Ra’iisal Wasaarihii xilka iska casilay bishii May waa Ahmet Davutoğlu.
Ka dib markii Salaadda Janaasada la tukaday, ayaa waxaa la arkaayay Madaxweynaha Turkiga oo ilmeynaaya, haddii dadkaan loo laayay iyagoo difaacaya dowladda uu hogaamiyo.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo la hadlay dadkii ku sugnaa Masaajidka Fatih, ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkaasi.
Madaxweynaha waxaa uu wacad ku maray in la soo qab qaban doono kuwii soo maleygay afgambigan dhicisoobay, ayna horkeenayaan cadaaladda, si sharciga loogu qaado.
Turkiga waxaa ka soconaaya baacsiga loogu jiro xubnihii soo abaabulay afgambigan, waxaana hadda xabsiga la dhigay sideed kun oo qof oo falkaasi lala xiriirinaayo.
Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Bekir Bozdag, ayaa Axadii xaqiijiyay inay korortay dadka loo soo qab qabanaayo isku dayga afgambi, waxayna tiradooda gaartay buu yiri sideed kun oo qof.
Wasiirka, ayaa ku goodiyay inay sii socon doonto qab qabashada, si cadaaladda loo horkeeno kuwii ka masuulka ahaa qalalaasaha habeenkii Jimcaha ka dhacay dalkaasi.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.