Xulka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Galabta Wajahaya Dhigooda Puntland

0
427

Muqdisho-(INO)-Kullan aad u xiiso badan oo ka tirsan guruubka A, tartanka Dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa galabta lagu ciyaari doonaa garoonka Banaadir satadium.

Ciyaartaan ayaa waxaa isaga hor imaan doono maamul goboleedyada Koofur Galbeed Soomaaliya iyo Putland oo ku wada jira guruubka A.

Xulka  Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa guuldarro kala kulantay Banaadir kullankii ugu horeeyay ee lagu ciyaaray garoonka Koonis ciyaaraha doowlad goboleedyada Soomaaliya.

Putland ayaa ciyaareysa kullankeedii ugu horeeyay ee tartankaan, halka Koofur Galbeed ay ciyaareyso kullankeedii labaad.

Labada xul ee puntland iyo koonfur galbeed somaliya Ayaa si wayn ugu diyaar garoobay kulanka maaanta oo ah kulan ay siwayn indhaha ugu hayaan taageerayaasha labada maamul.

Sikastaba ha ahaatee ciyaarta u dhaxeysa  Koofur Galbeed iyo Putland ayaa ah tii saddexaad ee  lagu ciyaaro garoonka Koonis, waana ciyaartii labaad guruubka A.

0203KGS22

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.