Dhageyso: Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Afgooye Oo La Degey Madaxweyne Shariif Xasan iyo Dowladiisa

0
701

Afgooye (INO)- Gudoomiyihii Hore Ee degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose C/qani Yuusuf Axmed (Boolimoog) oo ka irdhoobey Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Gudaha dalka ayaa wax laga weydiiyey sababah hortaagan in Gobolka Shabeelada hoose uu yeesho Ciidan qarameysan oo u diyaar ah gudashada howlahooda.

Qani

C/qai ayaa marka hore tilmaamay in Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aaden lagu magacaabo “All in one” oo micnaheedu yahay in Shaqada maamulka ay ka bilaabato Shariif kuna dhamaato isla Shariif Xasan Waa Sida Hadalka  u dhige ee.

“Horta sida saxda ah Koonfur galbeed, dowladaan magaceeda waxa waaye dadka ma fahamsana “All in one”  aa la dhahaa sideedaba, Shariif Xasan Sheekh Aaden ay ka bilaabataa shariif ay ku dhamaataa, waxa meesha dowlad la yiraahdo ma jirto” ayuu yiri Gudoomiye C/qani.

“Waad ogtihiin waagii la dhisay ilaa waagan waxa wasaarada oo shaqeyso, afar qofood ayaa ka sheqeeysa Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhan, Shariif Xasan Sheekh shan uu ku yahay, inta kale dad deyn lagu leeyahay baxar ku jiro oo Baydhaba jooga waaye” ayuu  Mar kale yiri.

Mar wax laga weydiiyey sababaha hor taagan in tababar Ciidan laga furo Gobolka Shabellaha Hoose islamarkaana lagu xareeyo Ciidan deegaanka uu leeyahay ayaa waxa uu kaga jawaabay.

“Shariif Xasan Sheekh Aaden afka ayuu ka sheegaa wuu balan qaadaa waqtiga ayuu ku dheeeystaa laakiin nin ogol ma ahan, haduu ka fursan waayo wuxuu ogolyahay inuu  Gobolada Bay iyo Bakool Ciidan ka keeno, in Shabeellaha hoose uu hub siiyo uu qarameeyo ma ogola” ayaa hadalkiisa uu ku daray Gudoomiye C/qani.

Ugu dambeyntii, Mudooyinkan Dambe waxa soo badanayey ragg dhaliila Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana waxa inta la xusaa dhibaatooyinka  ka taagan Gobolka Shabellaha Hoose.

Halkan Ka Dhageyso Codka C/qani.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.