Baydhabo(INO)- Shirkada Adeega korantada Ee BECO ee Magaalada Baydhabo ayaa wada howlo ay ku balarinaysa korontadeed iyo weliba tayeynta shaqaalaha.
Shirkada Korontadda BECO ayaa koronto galin balaaran waxa ay kawadaa qeybo kamid ah Magaalada Baydhabo, waxaana shaqada ay shirkadan heyso si weyn usoo dhaweeyay Shacabka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Shirkada BECO Baydhabo ayaa ka fikirtay Bilicda Magaalada Baydhabo iyo in aysan waxyeelo shacabka kasoo gaarin baalayaasha daxaleestay ee Magaalada suran isla markaana waxay keentay qalab cusub oo casri ah oo dhinaca korontada ah, waxa ayna shirkada leedahay Matooro waa weyn oo awood badan u leh in ay koronto siiyaan Xaafadaha Magaalada Baydhabo.
Agaasimaha shirkada BECO Maxamed Sheekh Aadan Bilow ayaa warbaahinta IdaleNews.com u sheegay in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii adeegayada korontada ay ugaar siin lahaayeen qeybaha kala duwan ee xaafadaha Magaalada Baydhabo.
“Waxaan wadnaa dadaal badan oo aan Baydhabo adeegeena korontada ugu balaarin lahayn anagoona tayeynayna shaqaaleheena si dadkeena ay u helaan adeeg ku filan ee koranto”waxaa sidaasi yiri agaasime Bilow.
Ugu dambeyntii, Agaasimaha shirkada BECO Baydhabo ayaa sheegay in ay wadaan dadaal ku aadan in magaalada ay ka hergelin doonaan mashaariic badan oo ay sare ugu qaadayaan korantada magaalada Baydhabo.
Halkan Ka Daawo Sawiro.
Wariye Aaden Xasan Cismaan ( Aaden Geesey), Baydhabo
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.