Madaxweyne Xasan ” DFS waxay Si Buuxda u Garab-Taagan Tahay Dowladda Turkiga”

0
321

 


Muqdisho (INO) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag u cambaareeyay afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga ka dhacay, kaasoo ay sameeyeen cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Turkiga.

Xasan Sheekh, ayaa war-saxaafadeed uu kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho ku sheegay falkaas uu car-qalad ku yahay xasilooniada iyo Dimuquraadiyada Dalkaas, Wuxuuna uu xusay inay ka damqanayaan dhibaatooyinkiisa.

“Falkan foosha-xun waa mid aan la Aq-bali karin, kana hor-imaanaya Dimurqaadiyadda ay Shacabka dalkaas haysteen muddo fog. Afgambigan waa mid nasiib-darro ah, aad ayaana uga xumaaday markii aan maqlay in kooxaha shayaadiinta ah ee millateriga ka tirsan ay Dalka Turkiga ay u bedelaan Goob colaadeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Somalia ay si buuxda u taageersan tahay xukuumada Turkiga ee uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Recep Tayyip Erdoga, isagoo uga digay ciidamada Afgmbiga wada in dalkaas ay u bedelaan meesha ugu colaadda xun adduunka.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu u rajeynayo Mas’uuliyiinta iyo shacabka Turkiga in ay nabad ku waaraan, isagoo xusay in loo baahan yahay in la xoojiyo deggenaashaha iyo dimuqraadiyada dalka Turkiga.

Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay ciidanka dalkaas xalay isku dayeen inay afgambi dhicisoobay xukunka uga tuurtay xukuumadda Ankara.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.