Dowlada Kenya Oo Ku Darsatay Dhul Ballaaran Oo Ka Mid Ah Somalia

0
436

Nairobi (INO) – Dowlada Kenya ayaa lagu  soo waramayaa iney la wareegtay dhul Soomaaliya leedahay oo ku yaala xuduuda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan oo ka tirsan gobolka Gedo.

Kenya ayaa dhulkaasi la wareegtay kadib markii dadka deegaanka ee kusugnaa la sheegay iney ku amartay iney isaga guuraan deegaanada ay la wareegtay ee kuyaala gobolka Gedo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Kenya ay dadka deegaan ku dhow degmada Ceelwaaq ay ku amartay ineysan ku arki Karin, oo dadkii lagu arkaa loo aqoonsan doono iney Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Soomaali badan oo kusugneyd duleedka magaalada Ceelwaaq ayaa sheegaya in dhul balaciisu gaarayo 20 km ay haatan ka qaxayaan dadkii ku sugnaa, waxaana bilowday bakarac ay sameynayaan dadka deegaanka.

Sahal Macalin Adan oo ah gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in arintaan ay dhibaato ku abuurtay dadka deegaanka islamarkaana aysan jirin cid gacan ka siineysa sidii dadkaasi dhulkooda ay ugu noolaan yahaayeen.

Ugu dambeyntii, Arintaan ayaa abuuri karta xeelad cusub oo dowlada Kenya ay ku xalaaleysaneyso dhismaha darbiga dhanka xuduuda ka dhiseyso iyo iney ku dhacdo dhul Soomaalida leedahay.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.