Baydhabo(INO)- Tartankaas ayaa waxaa iska kaashadey idaacada Codka Shacabka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Hay’ada DDG, ujeedadiisu waxaa uu ahaa isdhax galka Bulshada iyo sare u qaadida Aqoonta dhalinta Gobolka Bay.
Tartankaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Degmooyinka Gobolka Bay sida Diinsoor,Qasaxdheere, Berdaale,Buurhakaba iyo Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Waxaa ka soo qeyb galey Madaxada Koonfur Galbeed Soomaaliya sida kusimaha Madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna wasiirka hubka dhigista dhaqan celinta iyo Maleeshooyinka Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelay), wasiirka warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada, Wasiirka Waxbarashada KGS iyo gudoomiayaha Degmada Baydhabo ahna duqa magaalada, C/laahi Cali Watiin gudoomiyaha Gobolka Bay C/laahi C/laahi Maxamed, Agaasimaha wasaarada warfaafinta DFS ,Agaasimaha Wakaalada Wararka SONA iyo madaxa Tababarada ,Agaasimaha Idaacada KGS iyo Marti sharaf kale.
Tartankaan wuxuu bilawdey Bishii Barakeysaneed ee Ramadaan ayaa maanta Xaflad loogu gadoonsiinayey Shahaadooyin iyo Abaalmarino.
Waxaa gadoonsinayey Dowlada KGS, Maamulka gobolka Bay, Maamulka Degmada Baydhabo iyo Hay’ada DDG ayaa waxa ay gadoonsiiyeen guulaystiyaasha ka socdey Gobolka Bay, waxaa kaalinta koowaad tartankaan galay Degmada Qasaxdheere, Kaalinta Labaad Waxaa kagaley Degmada Berdaale, Dhamaan degmooyinka gobolka Bay ka qeyb galey tartan Aqooneedkaan ayaa laga Gudoonsiyey Abaalmarino kala duwan oo isgu jiray lacago kaash ah iyo Hadiyado kale.
Halkan Ka Daawo Sawiro.
Abshir Maxamed Nuur Mandella
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay