Waxaa su’aal laga keenay halka aad daacad u noqoneyso: wadankaaga mise kooxdaada? ka dib markii xiddigii hore ee Atletico Madrid Paulo Futre uu u dabaaldegay guushii Cristiano Ronaldo iyo xulka Portugal ee koobka Euro 2016.
Paulo Futre waa xiddigii hore ee Portugal oo haatan 50 sanno jir ah, sida la iska fahmi karana waxa uu ku faraxsanaa in wadankiisa uu qaado koobkoodii ugu horeysay habeenkii axada, laakiin farxadiisa iyo amaantii uu sida weyn ugu dhoobay Cristiano Ronaldo ayaa ka careysiisay jamaahiirta kooxda Atletico Madrid kuwaasoo intooda badan taageerayay France madaama uu Antoine Griezmann u ciyaaro.
Ka dib markii uu akhriyay carada iyo eedeymaha loo soo dhigay bogaga bulshada, Futre ayaa isdifaacay isagoo fariinta soo dhigay bogagiisa bulshada.
“Gacalkeygii Atletico Madrid, waan akhriyay fariimada carada leh ee aad ii soo dhigteen maalmihii u danbeeyay” ayuu qoraalkiisa ku bilaabay. “Laakiin waan ogahay inaad fahamsan tihiin inaan ku faanayo inaan Portuguese ahay iyo inaan kabtan u soo noqday qarankeyga.
“Ma aanan arkin xitaa hal shaqsi oo Rojiblanco ah oo ka careysan in kabtankii Spain iyo Real Madrid Iker Casillas uu celiyay darbadii Arjen Robben ee 2010. Sidoo kalena ma aanan arkin shaqsi idin ka mid ah oo jeclaan lahaa in finalkaas ay badiso Holland sababtoo ah Heitinga ayaa u ciyaarayay iyaga. Cristiano waa boqorka Portugal. Waa boqorka Yurub.”