Muqdisho ( INO)-Iyadoo in muddo ah dalka ay ku sugan yihiin Ciidamo fara badan oo ka socda dalalka Midowga Africa ayaa waxaa dadka qaar xilligaan is weydiinayaan waxa Soomaaliya ay ka qabanayaan AMISOM xilli Al Shabaab weli ay ku sugan yihiin deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Soomaaliya.
Col Faandhe Jaamac oo ka mid ah Saraakiisha Milatariga Dowladda Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in AMISOM inkabadan 9 sano ay Ciidamadoodu ka howlgalayaan dalka welina Al Shabaab ay ku sugan yihiin qeybo badan oo ka tirsan dalka.
Waxaana uu ku taliyay korneelku in ay haboonaan lahayd dhaqaalaha ku baxa AMISOM in loo weeciyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo wax qabad la taaban karo sameynayo sida uu yiri.
Dhinaciisa Col Cabdinuur Jaamac Jookar ayaa qaba 22-ka kun ee Ciidamada AMISOM ka tirsan oo dalka ka howlgalaya inkabadan 9 sano aaney waqtigaan waxba ku soo kordhineynin dalka maadaama ay ku fashilmeen u jeedooyinkii loo keenay dalka sidaas daraadeed dib loogu celiyo dalalkooda.
Dhawaan Dowladda Uganda oo Ciidamadeeda ay qeyb ka yihiin AMISOM ayaa shaacisay in ay Soomaaliya kala baxeyso Askarteeda.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay