Kooxda Daacish Oo Soo Ridey Helikobtar Ruushku Leeyahay

0
343

Moscow(INO)-Kooxda Khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa soo riday diyaarad Helikobtar ah oo Ruushku leeyahay xilli ay duqeyn ka waday magaalada Palmyra, waxaana ku dhintay labadii duuliye ee diyaaradaasi.

Xilliga la soo riday Helikobtarka ayaa la sheegay inay ku duuleysay joog hoose kadib weerar ay ku qaaday xubno Daacish ka tirsan oo dagaal ku qaaday daafaha magaaladaasi, markii ay codsadeen ciidamada Suuriya ee aaggaasi ku sugan.

Wasaaradda Difaaca Raashiya ayaa sheegtay in diyaaradda ay dib u celisay dagaalyahanadda balse lasoo riday markii ay dooneysay inay soo laabato.

Video ay baahisay wakaalada Wararka ee raacsan Daacish ayaa laga daawan karaa diyaaradda oo si toos ah loo soo ridayo kadib markii lala helay gantaal uu Mareykanku sameeyay, waxaana dirqi ay uga baxsaday diyaarad kale oo helikobtar ah inay isku dhacaan.

Labada duuliye ee Raashiya u dhashay oo ku dhintay diyaaradda la riday ayaa magacyadooda lagu sheegay Evgeny Dolgin iyo Ryafagat Khabibulin, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay