Muqdisho (INO)-War kasoo baxay Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa dowladaha Kenya, Uganda iyo Ethiopia looga dalbaday inay ka dhabeeyaan ballanqaadkii ahaa in howlgalada ka socda Somalia ay kusoo biirin doonaan diyaarado nooca dagaalka ah.
Warbixinta Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in lama huraan ay tahay in dowladahaasi ay ka dhexmuuqdan howlgalada ka dhex socda Somalia, waxa uuna Ururka ku baaqay in lasoo dadajiyo ballanqaadyada ay sameeyen dowladahaasi.
Warbixinta Ururka waxaa sidoo kale lagu xusay in dowladahaasi kor ku xusan ay la imaadaan ciidamo dheeraad ah oo ay kusoo biirinayaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Bishii February ee sannadkan, Dowladaha Kenya, Uganda iyo Ethiopia waxay ku dhawaaqeen inay Helicoptero ku soo biirin doonaan Hawlgalka AMISOM, si ay ula dagaalamaan Alshabaab.
Warar horey u soo baxay ayaa lagu xusay inay 9 Helikoptar keeni doonaan Dowladaha Kenya iyo Ethiopia, iyadoo ay sii dheer tahay 3 Diyaaradaha Helikopterka ee wax duqeeya.
Warbixinta Golaha Nabada iyo Amaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in uu daba-dheeraaday wadahadalka u dhaxeeyay Qaramada Midoobay iyo Dalalka Ciidamada ugu yaboohay Dalka Soomaaliya.
Golahan ayaa markale ku celiyay baaqooda ku aadan in Diyaarado Dagaal iyo Ciidamo hor leh ay ku soo biiriyaan howlgalka AMISOM oo lagula Dagaalamayo maleeshiyada Al-shabaab.
Geesta kale, Diyaaradahaasi waxay noqon doonaan Yaboohii ugu horreeyey ee lagu taageero Hawlgalka AMISOM, tan iyo markii ay 4 Helikoptar oo ay Uganda ku yaboohday sannadkii 2012-kii ay 3 ka mid ah ku burbureen Buuraha Mount Kenya.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.