C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay fashilada maamulka Jubbaland ka heysta dhanka xaqiijinta amniga iyo soo afjarida waxa uu ugu yeeray Xagjirka Somalia ee Al-shabaab.
C/raxmaan Faroole oo qadka Telefanka kula hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu ku fashilmay amniga waxa uuna cadeeyay inay dhaafi la’ yihiin magaalada Kismaayo iyo deegaano yar oo ay ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayuu kaga digay inuu ka gaabiyo howlihii laga sugaayay, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Madoobe uu ku fashilmay amniga Jubbaland.
Faroole waxa uu sheegay in Jubbaland ay indhaha ka daawaneyso falalka amni darro oo deegaanada Jubbaland ay ka wadaan Al-shabaab waxa uuna taasi ku micneeyay fashil taagan.
Faroole waxa uu sheegay in Jubbaland aysan gaari karin deeganada ay ku sugan yihiin Al-shabaab islamarkaana uu fadhiit ku yahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in fadhiit-nimada Jubbaland ay niyad jabineyso Puntland iyo maamulada kale, waxa uuna ku baaqay in arrintaasi wax laga bedelo.
Haddalka C/raxmaan Faroole ayaa u muuqanaaya mid lagu duraayo maamulka Jubbaland oo aan laheyn horsocod amni.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.