Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaadaya,maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo

0
373

Gaalkacyo (INO) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa laga sugayo inuu xilka ka qaado qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmada iyo kuwa gobolka,sida ay oggaatay Raxanreeb.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa ku guda-jiro wada-tashiga uu la leeyahay odayaasha iyo wax-garadka gobolka Mudug oo ay waheliyaan qaybaha bulshada.

Dowladda wali ma aysan caddeyn wax ka badalka lugu sameynayo mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada,Waxaase la sheegay si xal loogu helo xaaladda amni darro ee magaalada ay ku guda-jirto inay ku qasbeyso madaxweynaha inuu wax ka badalo mas’uuliyiinta hoggaamisa gobolka iyo degmada.

Waxaa kalo la hadal haya,saraakiisha ammaanka inay qayb ka noqon doonan mas’uuliyiinta xilka laga qaadayo.

Madaxweynaha oo maalin ka hor kulan ballaaran la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka oo ay ugu horreeyaan odayaasha iyo wax-garadka,waxuu u sheegay xal loo helo ammaanka magaalada Gaalkacyo in laga doonayo bulshada.

“Dowladda,waxaa ay dadaal ku bixisay sidii horumar ay u gaari lahayd magaalada Gaalkacyo si la mid ah gobollada kale,Lakin ammaanka wax door ah bulshada Gaalkacyo kama aysan qaadan,xalkana waa inuu idin ka yimaada,”ayuu yiri madaxweyne Cabdiweli.

Cabdiweli waxuu marka caddeeyay xaaladda ay Gaalkacyo ku sugan-tahay inan  loo dulqaadan karin,waxuuna yiri ” Gaalkacyo oo ah ubucda Puntland ahna magaalo bulsho ahaan iyo dhaqaali ahaanba laf-dhabar u ah Puntland in lugu eegto amni xumada ka jirta,taaso keentay hal-doorkeeda in la laayo,Ma aha wax aan u dulqaadan karno”.

Madaxweynaha booqashada uu ku joogo Gaalkacyo tan iyo markii xilka uu qabtay,waa markii saddexaad,waxaana laga sugaya sidii ay dowladda xal ugu heli lahayd ammaanka Gaalkacyo oo muddo bil gudaheed ah lugu dilay saddex ruux oo ka mid ah dadka wax ku oolka u ah bulshada gobolka.

WAREEGTO-page0001 (1)

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.