Muqdisho(INO)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleestay in ay gurigeeda dib ugu soo celiyaan Haweeney Soomaaliyeed oo mudo 20-sano oo xoog looga heestay guri ay laheed oo kuyaala Degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
Guriga xooga looga heestay Hooyadan Soomaaliyeed oo kuyaala waaxda Maaj ee Degmada Waabari ayaa dib loogu soo celiyay maalinti shalay, kaib dacwada gurigaasi oo mudo hor taalay Maxkamada gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Warbaahinta kula hadlay dhismaha guriga loo soo celiyay Haweeneydii aheed ayaa ka codsaday in ay maamulkooda soo wargaliyaan dadka guryahooda sida sharci darada looga heesto, waxa uuna tilmaamay in ay dhamaatay xiligii xoog la isaga heesan jiray guryaha iyo hantida kale.
Hooyada Gurigeeda loo oo celiyay oo ilmo ka socotoy ayaa u mahad celiay maamulka gobolka Banaadir iyo ci kasta oo gacan ka geesatay sidii ay dhulkeeda u heli laheed, waxa ayna sheegtay in ay cadaalada dalka ka jirto ayna dib u heleen 20-sano kadib gurigooda oo xoog lagu heestay.
Maamuladii kala duwanaa ee gobolka Banaadir ayaa marar kala duwan ku guuleestay in ay guryahooda dib ugu soo celiyaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo guryahooda xoog looga qabsaday tan iyo waxii ka dambeeyay Bur burkii Dowladii Dhaxe.