10 Ruux oo ugu geeriyooday Cudurka Shuban Biyoodka Degmada Buulo-burde

0
279

Buuloburde (INO)—Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, Libaan Cabdi Burusoow ayaa waxuu faah faahin ka bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee la xiriira Kiisaska cudurka Shuban Biyoodka ee ka dilaabacay Degamada iyo Degaanada kale ee ku teedsan.

Ku xigeenka Maamulka Degmada Buulo-burde ayaa waxuu shaaciyay in Cudurkaasi saacadihii la soo dhaafay ay u geeriyoodeen 20 Ruux oo u badnaa Caruur, islamarkaana uu soo ritay tobanaan kale.

Libaan Cabdi Burusoow ayaa sidoo kale waxuu xusay in Dadka la il-daran cudurkan haatan lagu dabiibayo Xarumaha Caafimaad eek u yaalla Degmada Buuli-burde, inkastoo uu ka deyriyay adeegyada caafimaad ee halkaasi laga heli karo.

Dhawaan ayee aheyd markii Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay lagu sheegay in Cudurka Shuban Biyoodka uu ka dilaacay Degaano iyo Degmooyin hoostaga Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya .

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay