Muqdisho ( INO)-Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isgoyska Ex-Kontarool Afgooye waxa uu ku dilay qof shacab ahaa oo wade ka ahaa Mootada loo yaqaanno ( Bajaajta).
Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu ku sugnaa nawaaxiga Isgoyska Ex-Kontarool halkaas oo ay ku qabsadeen 2 Askari oo Ciidamada dowladda Federaalka ka tirsan.
Ciidamadaasi ayaa weydiistay lacag 2 Dollar ah haddii kale ay dili doonaan balse waxa uu ka codsaday Ciidamada in 1 Dollar kaliya oo uu haayo ay ka qaataan.
Sidaas daraadeed mid ka mid ah Askartaasi ayaa Rasaas Madaxa uga furay Wadahii Bajaajta , taas oo uu u geeriyooday.
Laakiin wararka Shabelle ay heleyso ayaa sheegaya in Ciidamo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan ay u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan Askariga gacan ku dhiiglaha ahaa.
Walow inta badan la sheego in la qabto Ciidamada falalka nuucaani ah kula kaca rayidka ayaa hadana inta badan aan la soo taagin Maxkamad si loola tiigsado sharciga.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay