Ciidamada AMISOM oo muddo lix bilood ah aan mushaar qaadan

0
423

Muqdisho(INO)— Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inaysan wax mushaar ah qaadan lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Sida ay qortay BBCda ciidamada AMISOM oo tiradooda gaarayso 22,00o oo askari oo dalal kala duwan ka socda ayaa arrimo la xiriira xisaabaadka awgeed lacagihii mushaaraadka u qaadan jireen loo hakiyay.

Madaxa AMISOM ayaa u sheegay BBCda in la saxay waraaqaha xisaabaadka oo hadda diyaar yihiin.  “Dukumintiga waa la direy, lacagtana sidoo kale ayaa loo soo dirayaa,”ayuu yiri Francisco Madeira.

Midowga Yurub oo bixiya mushaaraadka ciidamada AMISOM oo askari walba bishii siin jirtey $1,028 (£700) ayaa ka jartay lacag gaareysa $200 bil walba arrimo la xiriira qarashaad ku baxaya dhinaca maamulka, waxana askari walba uu qaadanayaa lacag gaareys $800.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in lixdii bilood ee la soo dhaafay aysan mushaar qaadan ciidamad AMISOM mushaaraadka ay dhowaan qaadanayaana uu yahay lixdii bilood ee ugu dambeysay sanadkii hore.

Taliyaha ciidamada Uganda General Katumba Wamala ayaa sheegay inuusan garanayn wax uu ku fasiro mudada ay mushaaradka aysan qaadan ciiamada.

Gen Wamala ayaa sidoo kale sheegay in sababta ay ciidamada Uganda ay ugala baxayaan dalka Soomaaliya bisha December 2017 ay tahay jahawareer ay ka qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo la taliyaasha milatariga ee Maraykanka,UK iyo Turkey.

Ciidamada Uganda oo ku sugnaa dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007dii ayaa waxa ay yihiin ciidamada ugu badan ee ka socda dalalka Afrika. Sidoo kale ciidamada dalka Burundi ayaa sheegay inaysan mushaar la’aan yihiin ciidamadooda.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay