Nairobi (INO)—Baarlamaanka Dowlada Kenya ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay in ay dhaqaalo ku taageeraan Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, kuwaasi oo Dagaal Xoogan kula jira Xarakada Al Shabaab.
Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Kenya, Xildhibaan Ndung’u Gathenji ayaa ka dalbaday Qaramada Midoobay bixinta dhaqaalo Xoogaga Kenya ay kula Dagaalamaan islamarkaana ay ku wiiqaan awooda Xarakada Al Shabaab.
Xildhibaanka ayaa waxuu xusay Ciidamada Kenya ee ku sugan Dalka Soomaaliya in in aysan heysan qalab militari oo ku falin, taasi oo uu ku tilmaamay in ay ka hor-imaaneyso howlgallada ka socda Soomaaliya.
Howlgalka AMISOM ee lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab ayaa gaabis ku yimid sida la hadal hayay tan iyo markii Ururka Midowga Yurub uu jaray %20 dhaqaalihii u ku taageerayay Xoogaga Nabad Ilaalada ee AMISOM.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay