Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ka qeyb galay salaada Janaasada ee lagula dukada Allaha u naxariistee Marxuum Burci Maxamed Xamza oo ahaa Wasiiru dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee arrimaha deegaanka.
Salaada Janaasaada ayaa ka dhacday Masjid Shuhaddaa ee Madaxtooyada, waxaana ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano.
Madaxweynaha ayaa salaadda jannaasada kadib mid mid u gacan qaadey ehelada iyo qoyska marxuumka, isagoo mar kale uga tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Burci oo sidoo kale ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Degaanka.
Ma’suuliyiintii kaso qayb galay Jinaasada ayaa waxay u duceeyeen marxuumka, waxanay Alle ugu baryeen inuu jannadii fardowso ka waraabiyo, eheladii uu ka tegey iyo ummada Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo Iimaan.
Marxuum Burci oo ku geeriyooday weerarkii argagixisada Al-shabaab ay ka geysteen Hotel Naasa-Hablood 25-kii Bishan ayaa lagu wadaa in maanta aas qaran loogu sameeyo Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay