Xulka England oo ka haray Koobka Euro iyo Tababare Roy Hodgson oo is casilay

0
378

Xulka England ayaa xalay ka haray Koobka Euro 2016, kadib markii lagu reebay wareega 16-ka, iyadoo wareegaas ay ku reebtay dalka yar ee Iceland.

Ingiriiska ayaa daqiiqadihii hore ee ciyaarta ku hor-maray gool, markii loo dhigay rigoore, waxaa u dhaliyay ciyaaryahan Wayne Rooney.

Laakiin daqiiqado kadib Iceland ayaa iska soo guday goolka, waana ay bar bareysay, ciyaarta ayaa 10-kii daqiiqo ee u horeysay noqotay 1-1.

Daqiiqadii 18 ee ciyaarta ayaa Iceland waxaa ay heleen gool labaad, waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Sigthorsson, qeybta hore ayaa ciyaarta ku soo gaba gabowday 2-1 oo ay ku hogaamineysay Iceland.

Qeybta labaad ayay Ingiriiska isku dayeen inay ciyaarta wax ka bedelaan, iyagoo ciyaaryahano bedelo ku soo geliyay, balse marna uma suura gelin inay iska soo gudaan goolka.

Ciyaarta ayaa 90kii daqiiqo ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay Iceland, waxaana sidaas ku haray xulka England.

Tababaraha England Roy Hodgson oo lixdii sano ee u dambeeyay hayay xilka Tababarenimo ayaa markii ay ciyaarta dhamaatay ku dhawaaqay inuu is casilay.

Ciyaartoyda Ingiriiska ee sanadkan uga qeyb galayay Tartanka Euro 2016 ayaa ahaa kuwo da’yar, balse dadka khabiiriinta Isboortiga ayaa ku dhaliilay in aanay wadan wax ciyaartoy khibrad leh.