Xudur(INO)- 800 oo qoys oo dad masaakiin ah ayaa maanta deeq cuno ah la gaarsiiyey ee ku noool Degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool.
Deeqdan ay waxay ka timid dowladda Cumaan la gaarsiiyey Xili lagu jiro bisha Barakeysa ee Ramadaan ayaa waxaa qaybinta deeq cuno oo ka timid suldaan qaabuuska cumaan iyo shacabkiisa ay kasocotaa magaalada xudur ee gobolka bakool.
Kudhawaad 1000 qoys oo kamid ah dadka masaakiinta ah ee kunool magaalada magaalada xudur ayaa waxaa la gaarsiiyey deeq raashiin ah oo isugu jirta Bur,Bari,Sonkor,Basto,Saliid,Timir iyo caleen. Deeqdan ayaa waxaa loosoo mariyey maamulka Gobolka gobolka Bakool iyo iyo kan degmada xudur iyadoo xiliga laqeybinaayey ay halkaasi kusug naayeen gudoomiyaha gobolka iyo guqa Degmada Xudur.
Qaybinta raashiinkan kadib ayaa waxaa halkaasi dowlada cumaan oo iyadu deeqdan ka timid uga mad celiyey faah faahiyey wakiilka deeqdaasi dowlada cuman.
Gudoomiyaha Degmada xudur Maxamed Macalin iyo Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool Intaa kadib ayaa dadkii iyagu lagaarsiiyey cunada qaar kamidah muujiyey dareen koda ku aadan deeqda lasiiyey iyagoona umadad celiyey dowlada cumaan ee deeqan ka timid.
Halkan Ka Daawo Sawiro.
Wariye Abshir Maxamed Nuur (Mandella)
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay