Baydhabo(INO)- iyadoo dhawaan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ay ka dhaceen Dilal qorsheyn isla markaana looga geystey 3 qof oo isku qoys ahaa, ayaa waxa dhacdadaas si adag ugu hadley Afhayeenka Gollaha Aqoonahnada Koonfurta Soomaaliya Prof. Fowzi Cabdi Nuur isagoona xusey in Guud ahaan gobolka Shabellaha Hoose uu ka socoda Xasuuq lagu Tartiib tartiib ah.
Prof. Fowzi Cabdi Nuur Waxa uu sheegey in Dadka dhibaada Ku Haayo Gobolka Shabellaha hoose aysan U dhalin Degaanadaas isla markaan tan iyo markii ay burburtey Dowladahii dhexe ee Soomaliiya ay ka wadeen Gobolkaas Dhibaato hor leh oo isugu jirta Dilal iyo kufsi, isla markaana iminka ay xiran yihiin dareeska Dowlada Federalka Soomaaliya waa sida hadalka u dhige e.
” Hay’adaha Xaquuqul insaanka iyo Warbaahinta Caalamiga Waxaan ugu baaqeynaa inay tabiyaan Dhibaatadda ba’an ee ka taagan Gobolka Shabellaha Hoose, dad ka soo tilaabey 1500KM ayaa gumeysanaya Dadka rayidka ee aan hubeysaney isla markaana lagu gumaadaayo Hubka Dowlada Federalka Soomaaliya, Xasuuqan Waxa uu soo socodey tan iyo markii ay dhacey Dowladii dhexe ee Soomaaliya, hadii aynu nahay bulshadda Rayida Ee KGS waxayn u adkeysan wayney dhacdooyinkaas oo aadka foosha xun Ee ka socoda Gobolkaas” ayuu yiri Prof. Fowzi Cabdi Nuur.
Sidoo kale Aqoonyahan Prof. Fowz Cabdi Nuur, waxa uu eedayey Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Madaxda Dowlada Federalka Soomaliya uu tilmaamey in ilaa iyo hadda aysan hadlin Dhibaatadda iyo dilalkii dhawan ka dhacey Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
” Maamulka Koonfur galbeed Waa inuu ka hadlaa Dhitaada Gobolkaas, DFS mar horebey indhaha ka laabatey gobolkaas waxaan ka socoda isir naceyb, kufsi iyo dhul boob, labadan maalmood oo kaliye ma ahan ee falalkan falal kale ayaa kasii horeeyey oo lagu diley in ka badan 100 qof oo aysan Diiwan Galin Hay’adaha Xuquuqada Aadanaha oo dhamaantooda ay ahaateen dad rayid ah” ayuu yiri Mar kale Prof. fowzi Cabdi Nuur.
Si Kastaba ha haatee, hadalkan ayaa ku soo beegamaya Xilli dhawaan Nabaddoon caan ah iyo laba wiil oo uu midna uu dhalay, kan kalena uu awoowe u ahaa lagu dilay xaafadda Dhagaxtuur Ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose , ee degmada Afgooye kadib dabley hubeysan ay gurigooda ku weerartay.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay