Bardaale (INO)—Maamulka Degmada Bardaale ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo siyaabo kala duwan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay uga sameeyeen gudaha iyo nawaaxiga Degmadaasu.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee Degmada Bardaale ee Gobolka Bay, Cali Cadoow Isaaq oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladaasi looga goollahaa sugida amaanka, ka saarida xubno ka tirsan Al Shabaab oo la aaminsan yahay in ay halkaasi ku sugan yihiin.
Cali Cadoow Isaaq ayaa waxuu qeexay in Ciidamada Huwanta ay weerar ku qaadeen Degaanka Buulo-Xaawo oo qiyaas ahaan 35Km u jira Degmada Bardaale waxaana uu sheegay in halkasi ay saldhig ku la haayeen Xarakada Al Shabaab.
Ugu dambeytii, Ilaa iyo hada ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo ku aadan in lagala wareegay Degaanka Buulo-Xaawo ee Duleedka Degmada Bardaale ee Gobolka Bay.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay