Amniga Magaalada Baydhabo Janaay Oo La Adkeeyay

0
612

Baydhabo(INO)- Ciidamada Booliiska gaarka ah ee Dowlada Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa inay aad u adkeeyeen amniga guud ee magaalada Baydhabo oo xarun u ah gobolka Bay.

Ciidamadan ayaa isku gadaamay guud ahaan magaalada Baydhabo, sidoo kalena waxay xarumo ka sameysteen dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Wararku waxay sheegayaan in ciidankan sidoo kale ay taagan yihiin waddooyinka muhiim ah ee magaaladaasi iyaga oo baaraya gaadiidka gaarka ah iyo kuwa shacabka intaba.

Baydhabo ayaa martigelin doonta shirka madasha wadatashiga qaranka, waxaana halkaasi isugu tagaya madaxda dowladda Federaalk iyo kuwa maamul goboleeydada dalka.

Dhanka kale magaalada Baydhabo waxaa shalay gaaray guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana illaa haatan uu kulamo la qaadanayaa mas’uuliyiinta iyo sidoo kale bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay