DEG DEG: Wasaaradda Madaxtooyada KGS Oo Beenisey In Dib U Dhacyo Ku Yimid Shirka Madasha Qaran Ee Baydhabo

0
784

Baydhabo(INO)- Wasaarada Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa sheegdey in maalinta Berito oo taariikhdu ay ku beegan tahay 20th June 2016  uu furmi doono Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, kaasoo ay ka soo qiib galiyaan Madaxda Dowlada Federalka Soomaaliya, Kuwo Maamul goboleedyada Dalka iyo Weliba Ergooyin ka socoda Beesha Caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed C/laahi Mursal oo Goordhow la soo xariirey Shabakadda Warbaahinta IdaleNews.com ayaa si adag u beeniyey in la bedeley Jadwalka Shirka Madashada Qaran isagoona Xusey in aysan waxba iska bedelin Xilligii la qaban lahaa Shirkaas.

” Shirka 20 June ayuu furmaya, Ergooginka Waa kuwan Soo aruuraayo Wax isbedel ah ma jiro, waxyaabaha Warbaahinta Qoreyso oo ah inuu dib u dhacyo ku yimid Shirkaas Waxba kama jiro” ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyadda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa la sheegey in muddo kooban dib loo dhigay shirkii madasha wada tashiga Qaran ee 20-ka bishan lagu balansanaa inuu ka furmo magaalada Baydhabo ee gobolka Bay  isla markaana  waxa la sheegey in arrimo farsamo awgood aanu shirkaas u qabsoomi Karin xiligii loogu talo galay.

Ugu dambeyntii, Shirka madasha wada tashiga qaran oo ay ku kulmaan madaxda dowlada iyo maamul goboleedyada dalka ayaa waxaa looga hadlaa arrimo ku saabsan doorashooyinka la filayo iney dabayaqaada sanadkan ka dhacaan Soomaaliya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay