Daawo Sawiro: Wasaaradaha Waxbarashadda Koonfur Galbeed iyo Puntland Oo Garowe Heshiis Ku Kala Saxiiday

0
702

Garowe-(INO)-Wasiirka wasarada waxbarashada iyo barbaarinta Dowlada Koonfur Galbeed iyo ku xigeenka wasaradaasi oo maalmihii u danbeeyay Garowe ku sugnaa ayaa maanta kormeer ku tagay Jaamacada kuliyada tobabarada macalimiinta Puntland ee GTEC Iyo jaamacada bariga Africa .

Kormeerka masuuliyiinta ayaa ahaa siday wax uga ogaan lahaayeen qaabka ay u shaqeeyan goobaha waxbarasho eeku yaala Puntland waxaana socdaalka wasiirada waxbarashada Koonfur Galbeed  Soomaaliya ku weheliyay wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland iyo xiriiriyaha waxbarashad wasaarada waxbarashada Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada ka jira gudaha dalka.

Wafdiga ka socday Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Jaamacadaha ay booqdeen waxa ay madaxdooda ka wareysteen qaabka ay u shaqeeyaan waxayna wasiirada waxbarashada koonfur galbeed ka codsadeen madaxada wjaamacadaha ay booqdeen inay xiriir la sameeyaan jaamacada ku yaala Koonfur galbeed Soomaaliya.

Marka uu soo dhamaaday kormeerka ay ku tageen jaamacadaha wafdiga ka socday puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay ku soo noqdeen xafiiska wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee puntland waxayna xarunta awasarada ku kala saxiixdee heshiis ku aadan siday u wada shaqeyn lahaayeen wasarada waxbarashada puntland iyo wasarada waxbarashada koonfur galbeed.

Xiriiriyaha dhinaca waxbarashada wasarada waxbarashad soomaliya iyo maamul gobaleedyada ka jira dalka cabdi faarax siciid ( juxaa ) ayaa sheegay in heshiiskaan aqoon korarsiga ah ee ay wada sixiixdeen wasaarada waxbarashad puntland iyo wasarad waxbarshada soomaliya yahay midkii ugu horeeyay oo ay waada saxiixdeen waxaana uu sheegay in heshiiskaan kii ka horeeyay ay wasarada waxbarshada puntland la saxiixatay madax ka socotay waasarada waxbarashada jubaland.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo barbaarintakoonfur galbeed soomaliya Saadaad Maxamed Nuur Caliyoow ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in heshiis waxbarasho ay la galaan wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee puntland waxana uu intaasi ku daray in wasaarada uu madaxda ka yahay u istaagi doonto sida uu u dhaqan gali lahaa heshiiskaasi.

Wasiirka wasarada waxbarashad iyo tacliinta sare ee dowlada Puntland Abshir Aw-yuusuf ciise Waxa uu madaxada wasaarada waxbarashad koonfur galbeed uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen puntland waxna uu sheegay inuu ku faraxsanyahay inay heshiis ku aadan sidii la iskaga kaashan lahaa hormarinta waxabarashada Puntland iyo Koonfur Galbeed la galaan madax ka socotay wasaarada waxbarashada koonfur galbeed waxaan auu wasiirku intaasi ku adaray inay diyaar u yihiin inay heshiis waxbarasho lagaaraan dhamaan maaamul gobaleedyada ka jira somaliya.

Wafdigaan ka socda wasarada waxbarashad iyo barbaarinta koonfur galbeed ayaa magaalada garowe ee caasumada dowlada puntland ku sugan sadexdii maalmood ee la soo dhaafay iyagoona inta ay garowe ku suganyihiin kulamo la qaadan doonay ganacsatada ku sugan magaalada garowe ee ka soojeeda gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Sawiradda

13459506_1581034195527210_1712071956_n 13472137_1581029718860991_923657617_n 13472212_1581033135527316_1366016359_n 13472223_1581030032194293_1374378455_n 13473771_1581031428860820_319919949_n 13473791_1581033222193974_1935051244_n 13473882_1581032405527389_264301463_n 13473928_1581027852194511_1848867571_n 13473954_1581032508860712_1391452320_n 13473989_1581028178861145_109982018_n 13474026_1581029938860969_2095067014_n 13474052_1581029875527642_768260130_n 13474114_1581029638860999_361237752_n 13474122_1581032975527332_1130892932_n 13474287_1581030918860871_265665839_n 13479288_1581032588860704_1881353214_n 13479376_1581028025527827_785503005_n 13479545_1581028485527781_1771246418_n (1) 13479545_1581028485527781_1771246418_n 13479585_1581030642194232_2077432467_n 13479722_1581034108860552_587391555_n 13479755_1581033812193915_76290773_n 13479823_1581030572194239_433577181_n (1) 13479823_1581030572194239_433577181_n 13479862_1581031498860813_1717742153_n 13480054_1581032372194059_333591426_n 13480097_1581032678860695_662222804_n 13480226_1581031375527492_40708263_n (1) 13480226_1581031375527492_40708263_n 13480380_1581030208860942_234435417_n (1) 13480380_1581030208860942_234435417_n 13487333_1581029275527702_1601960109_n 13487348_1581030535527576_550716843_n 13487490_1581029755527654_23708090_n 13487515_1581028792194417_1396475785_n 13487686_1581031742194122_1283063075_n 13487727_1581032758860687_1864598207_n 13487779_1581028342194462_880928827_n 13487792_1581034078860555_1730207413_n 13487796_1581028065527823_376721039_n 13487855_1581032538860709_17832426_n 13487896_1581027745527855_1617171526_n 13492884_1581032318860731_299763854_n

Wariye Keyse Cali Muuse, Garowe

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay