Muqdisho(INO)— Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadlay dilkii Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ahaa Hogaamiye ka tirsanaa, kaasoo horaantii bishan lagu dilay duleedka Kismaayo, kadib howl gal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada dowladda.
Bayaan ay soo saartay Al-Shabaab ayaa looga tacsiyadeeyay geerida Sheekh Maxamed Dulyadeyn, iyadoo xustay in sheekha muddo 20-sanadood uu ku jiray jihaadka.
Al-Shabaab ayaa bayaankeeda ku sheegtay in Dulyadeyn uu ku dhashay magaalada Gaarisa sanadkii 1966, isla markaana uu sanadihii 90-meeyadii ka soo baxay Jaamacad ku taala magaalada Khartoum.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Dulyadeyn uu kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dagaaladii lala galay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya
Sidoo kale waxaa la sheeegay inuu ahaa daaci iyo hogaamiye, isla markaana waxaa uu ahaa dadkii ugu horeeyay ee lagu bilaabay mucaskarkii Raaskambooni ee uu furay Sheekh Xasan Turki.
Al-Shabaab ayaa sheegay in hal hogaamiye oo laga dilo uusan ku joogsan doonin dagaalka Soomaaliya, isla markaana ay sii wadeyso dagaalka ka dhanka ah waxa ay ugu yeertay cadawga ku soo duulay Soomaaliya.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay