Daawo: Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame oo daneynaaya inuu ka qeyb qaato doorashada Madaxweynaha Somalia

0
554

Puntland (INO) – Cali Xaaji Warsame oo hore u soo noqday Wasiirkii waxbarashada Puntland, kana mid ahaa musharaxiintii isu soo taagtey xilka madaxtiniamada Puntland ee sanadii 2013 isla markaaasna ahaa madaxii shirkada Golis (Barakaat) ee Puntland, Somalia oo wareysi dheer siiyey saxaafada gudaha ayaa sheegay inuu aad u daneynaayo ka qeybgalka  doorashada madaxtinimada ee la filaayo in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo bisha August ee sanadka 2016.


Cali Xaaji Warssame oo aan si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya, haddana waxuu si dadban u sheegay in uu ku jiro olole siyaasadeed iyo isbaheysi xoogan oo u suurta galin kara in uu ka mid noqdo msuaraxiinta tirada badan ee raba inay qabtaan jagada Madaxweynaha Soomaaliya.

Cali Xaaji Warsame ayaa waxuu si gaar ah ula dardaarmey  xubnaha 51 xubnood ee iyaga nasiibka u yeesha in ay soo xulaan xildhibaanka qaran ee sanadkaan in ay soo dooran Madax dhoorsan oo jeebkoodu ka weyn, Ilaaheyna yaqaan, waa sida uu hadalka u dhagey, waxuu intaas raaciyey in haddii ay sidaas yeelaan la heli doono xildhibaano fiican oo soo doorto hogaan ama  madaxweyne aad u fiican oo soo magacaabo xukuumad ama gole fulineed oo leh karti, shaqadoodana gudan kara isla markaasna dadka iyo dalka  ka saari kara dhibaatada haysata.

Tirada Musharaxiinta u tartameysa Madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan 2016 ayaa la filaayaa in ay noqoto tii ugu badneyd ebed soo marta taariikhda doorasho ee Soomaaliya, waxaana shirka Baidoa ka dhici doona bishaan 20keeda ka dib la dhowrayaa tiro badan oo musharaxiin ah oo si rasmi ah u soo bandhiga rabitaankooda xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Idale News Online, Puntland, Somalia