Dhageyso+Sawiro:Shirkii Madasha Qaran Ee Baydhabo Oo Dib U Dhacyo Yar Ku Yimid & Prof. Jawaari Oo Shaaciyay

0
761

Baydhabo(INO)- Iyadoo lagu waday in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu ka furmo 20-ka Bishan June Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in Shirkaas uu dib u dhac ku yimid.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan oo maanta tagay Baydhabo waxaa uu ka sheegay in Shirka Madasha qaran uu dib u dhacay islamarkaana uu furmayo 25-ka Bisha June .

Guddoomiye Prof.  Maxamed Cismaan Jawaari ayaa Baydhabo ka sheegay in ujeedka uu halkaa u tagay ay tahay sidii uu u soo qeymeyn lahaa Xarumaha lagu qabanayo Shirka islamarkaana uu kulamo la qaadan doono Madaxda Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay