Dhageyso:Wasiir Xaawa “ Wasaarada Caafimaadka Gurmad Ayay Gaarsiineysaa Dadka Barakacayaasha Ah Ee ku Nool Muqdisho”

0
415

Muqdisho(INO)- Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Xaawa Xasan Maxamed ayaa sheegtay in loo baahan yahay in loo gurmado dadka danyarta ah eek u nool Xerooyinka Muqdisho.

Wasiirada ayaa sidoo kale sheegtay in dadkaasi uu saameyn ku yeesho roobabka inta badan ka da’a Caasimada Muqdisho isla markaana aysan heysan wax ay isaga difaacaan roobabkaasi.

Waxa ay sheegtay in maro kaneecooyin, Buste iyo alaab kale ay gaarsiin doonto dadkaasi barakacayaasha ah ee ku nool Caasimada Muqdisho.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in Wasaarada Caafimaadka ay si koomeeri doonaan dadkaasi si ay ugu warqabaan Xaaladooda Caafimaad.

Roobabkii maalmihii dambe ka da’aayay ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay qoysaska danyarta ah ee ku nool Xerooyinka Barakacayaasha ah eek u yaalla Gudaha iyo duleedka Muqdisho.

Halkan Ka Dhageyso

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay