Dhageyso+Sawiro: Xaalado Caafimaad Daro Oo Laga Soo Sheegayo Degaanka Buurdhuxule Ee Gobolka Bakool

0
502

Buurdhuxule(INO)- Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in  xaalad cafimad daro ay ka jirto qeeb ka mid ah gobolkaasi gaar ahaan Deganka Burdhuxunle Oo hoostaga Degamada wajid Ee Gobolka Bakool.

Iyadoona la sheegey tan iyo 2009 ilaa iyo dadka DeegankaAs ku nool aysan helin Goobo Caafimaad oo lagu daryeelo hooyada iyo dhalaanka.

Waxa la sheegey mudooyinkii danbana xaalada aad uga adkaatey sidoo kalena waxaa la tilmaamey in markii hore dumarka uurka leh loo qadi jirey Degmada go’doonsan Ee waajid Ee Gobolka Bakool oo u jirto 30km isla markaana qarna hadii la waayo Gawaarida dumarka qaar u dhimaan Jireen cafimad daro.

Degaanka Buurdhuxulle Ayaa la xusey inuu lahaa xarun caafimaad balse markii Kooxda Mayalka Ee Al-shabab ay qabsatey Sida la sheegey xaruntii caafimaad ay ka dhigeen Bakhaaro ay ku xarestaan Sakawaadka dadka ay kasoo arurshaan.

Bishii March 2014 ayaa ciidmada Dowlada Federalka Soomaaliya iyo kuwo militiriga Dowlada Itoobiya Ee AMISOM ay la wareegaan Degaanka Buurdhuxule isla markaana waxa Durba dab xoogabn baabiyey Xuruntii caafimaadka ee degaankaas ilaa iyo maanta wali dib looma dayactirin iyagoon dadkaaas ay u  ooman tihiin inay helaan xurun lagu daryeelo hooyada iyo dhalaanka.

Dadka Degaankaas ayaa Warbaahinta u sheegey in sanadkii lasoo dhaafey Xanuunka dhiig karka ay u geriyoodeen in ka badan 36 ruux kuwaasoo u badan odayaal.

Si kastaba ha ahaatee waxa keliye dadka degaankaas Caawin jirey hal dhaxtar kaasi oo gurigisa Kooxda Al- shabaab kala baxeen Bishii April 2016 ee sanadkan oo isla markaana ay gowraceen.

Ugu dambeyntii dadka deegaankaasi ayaa ka codsadey  DFS, Hay’adaha Samafalka iyo Guud ahaan umada Soomaaliyeed meel walbo oo Joogan gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya in gar gaar caafimaad la Soo gaarto.

Halkan Ka Daawo Sawirada

DSCF1221

DSCF1281IMG_20150826_070654DSCF1223

Wariye Cabdullahi Jecelow, Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo 

Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay