Dowlada Itoobiya Oo Ka Hadashay 200 Oo Askari Oo Eritrea Sheegtay In Ay Ka Dishay Itoobiya

0
393

Addis (INO)- Dawldda Eritrea, ayaa markii u horreysay sheegatay in inay Ethiopia kaga guulaysatay Dagaal Ciidammadooda maalmihii la soo dhaafay ee toddobaadkan ku dhex-maray jiidda ay isku hayaan labada dolwadood, isla markaana y Ciidankeedu ka dileen dhiggeeda Itoobiya Askar ka badan illaa laba Boqol (200) oo Askari.

Waxaa ay Eritrea sheegtay inay Ciidammadeedu ka dhaawaceen Ciidammada Ethiopia illaa saddex Boqol (300) oo Askari, waxay sheegtay inay khasaarahaan Ciidanka Itoobiya ugu geysatay dagaallo maalmihii Axaddii iyo Isniintii ee toddobaadkan ku dhex-maray Xuduudka ay wadaagaan oo ay labada dowladood isku hayaan, isla markaana hore dagaallo lagu hoobtay ugu wada galeen.

Hase-yeeshee, Wasiirka Isgaadhsiinta dowladda Ethiopia Getechew Reda oo u warramay Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, ayaa ku dooday inaanay Tirada Ciidammada badan ee Eritrea sheegatay run ahayn. Balse, si cad umuu beenin warkaas, isla markaana ma caddayn tirada rasmiga ah ee dagaalkaas Axaddii iyo Isniintii dhex-maray ka soo gaadhay.

“Ciidammo dib u garasho ku jira oo jaho-wareersan ma garan karaan waxa dhacay. Laakiin, ma jiro wax macno ah oo ay noo leedahay. Ethiopia dan kama laha inay baahiso qiimaynta ay ku ogaatay khasaaraha dagaalkaas.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta Itoobiya Mr. Reda sida ay baahisay VOA.

Warka sheegaya inay Ciidammada Eritrea kuwa Ethiopia ka dileen illaa laba Boqol oo Askari in ka badan, saddex Boqolna ka dhaawaceen, waxaa lagu sheegay Qoraal ay Maanta Baahisay Wasaaradda Warfaafinta Eritrea, hase-yeeshee, illaa hadda ma jiraan warar ka madax-bannaan Sheegashada labada dowladood oo masuuliyadda dagaalkaasna ay midiba midda kale ku eedaysay.

Labada Dowladood, ayaa midiba midda kale ay ku eedaysay inay dagaalka ka bilaabeen gobolka Tsorona oo illaa 100-KM dhinaca Koonfureed ka xiga magaalada Caasimadda u ah Eritrea ee Asmara.

Waxaana ugu yaraan sida la sheegay Boqol Kun oo Qof ay dhinteen dagaal wakhti laba sannadood ah Xuduudkaas ka socday oo oo Ethiopia iyo Eritrea dhex-maray, kaasoo socday 1998-ii illaa 2000.

Inkasta oo ay Qaramada Midoobay Xukuntay in Dhulka lagu muransan yahay ama ay leedahay dowladda Eritrea, haddana marnaba dowladda Ethiopia may aqbalin Xukunkaas Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.