Booliska Kenya oo sheegay in ay ka feejigan yihiin Weerarada Al Shabaab

0
369

Nairobi (INO)—Booliska Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka feejigan yihiin Weeraro qorsheysan oo Xarakada Al Shabaab ay ka geysteen Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Joseph Boinnet ayaa sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Kartoon loo maleeyay in lagu soo cabeeyay ama lagu soo qariyay waxyaabaha Qarxa balse ay noqdeen waraaqaha ku aadan foomamka Fiisaha.

Taliye Joseph Boinnet ayaa waxuu xusay in ay jirto baqdin laga muujinayo in Xarakada Al Shabaab ay Weeraro ka geystaan qeybo ka mid ah Dalka Kenya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Taliyaha Ciidamada Booliska waxuu carabka ku adkeeyay in la adkeeyay amaanka maadaama uu tilmaamay in Al Shabaab ay damacsan yihiin weeraro inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Ugu dambeyn, Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro dhowr ah oo khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac geystay waxey ka fuliyeen qeybo ka mid ah Dalka Kenya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.