Ururka Midowga Yurub oo lacago badan ugu deeqaya Soomaaliya

0
529

Brussels (INO)—Ururka Midowga Yurub ayaa la filayaa in uu malaayiin lacagta yuuroowga ugu deeqo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si lacagtaasi wax badan loogu qabto dhibaatooyin ka jira Dalka Soomaaliya.

Madaxa Xiriirka Caalamka ee Ururka Midowga Yurub , Neven Mimica ayaa balan qaaday in Soomaliya loogu yaboohi doono aduun dhan 73 miliyan oo Yuuroow xili uu Magaalada Brussels kulan kula qaadanayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte.

Neven Mimica ayaa soo hadal kaa qaday in lacagtaasi lagu furdaamin doono dib u dhiska Dalka, mushaaraadka Booliska, dhinbaatada heysata Dadka barakacayaasha, shaqo u abuurista Dhalinyarada, sugida amniga iyo ku taakuleynta Maamulada Dalka Soomaaliya ka jira iyo kuwa kale ee hada dhismaya.

Sikastaba, Madaxda Ururka Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan horumarinta iyo dib u dhiska soo kabashada muuqata oo ay sameeneyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.