Shaqaalaha Guryaha ee Soomaalida ah oo Halis Kujira Bishaan Ramadhaan Dalalka Khaliijka

0
446

Dubia(INO)-Ayadoo dhawaan la saxiixay heshiis cusub oo dhigaya in shaqaale guryaha ka shaqeeya oo Soomaali ah oo dhan 600  ilaa 1,000 loo diro Sacuudiga bishaan Ramadaan ayaa bishaani sideedaba ay shaqo badan tahay.

Sidaas waxaa qortay jariidada the New Arab. Taas waxaa u sabab ah shaqada cunno karinta oo badan bishaan barakaysan ayadoo af fur iyo saxuur la kariyo taasoo sababta in shaqaalaha guryaha ka shaqeeya Khaliijka ay shaqeeyaan saacado dheeraad ah waxaana inta badan dhacda in xad gudubyo badan lagula kaco shaqadana lagu badiyo.

Jariiradu waxay sheegtay in tobankii sano ee lasoo dhaafay ay wax ka qortay xadgudubyo ba’an oo fara badan oo ka dhan ah shaqaalahaa.

Booyaasooyinka ayaa ku andacooda in dadka ay u shaqeeyaan ay ka qariyaan baasabooradooda si aysan uga tagin ayagoo shaqooyin adag oo badan u dhiiba saacado ay nastaan oo kufilana aysan dabadeed helinIntaa waxaa dheer inaan la siin maalmo nasasho ah.

Idale News Online, Dubia