Muqdisho (INO)-Wararka naga soo gaaray dhanka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Dowlada ethiopia ay laba diyaaradood usoo kala dirtay Meydadka ciidamadii kaga dhintay weerarkii lagu qaaday Xerada ay deegaankaasi ku lahaayen.
Labadaani Diyaaradood ayaa Meydadka iyo dhaawacyada ciidamada ethiopia ka qaaday Garoonka magaalada Beledweyn, halkaasi oo galabnimadii shalay lasii geeyay dhaawacyada iyo meydadka.
Mudada kooban oo diyaaradahaasi ay qaadayeen dhaawacyada iyo meydadka ayaa waxaa la xiray dhamaan Garoonka waxaana halkaasi laga saaray Howlwadeenadii ka shaqeynaayay si aan loo ogaan xogta rasmiga ah.
Dowlada ethiopia ayaa qarineysa Khasaaraha rasmiga ah ee ciidamadeeda kasoo gaaray weerarka, markii laga reebo Jabka maleeshiyada Al-shabaab keliya oo ay sheegen.
Sargaal u hadlaayay Taliska ciidamada AMISOM ee Somalia ayaa sheegay inuu jiro Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray Ciidamada ethiopia balse ma sheegin tirada Saxda ah.
Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dishay 43 Askari oo ethiopian ah, halka tirro intaa ka badana ay dhaawaceen.
Idale News Online, Muqdisho