Faah Faahin: Weerarkii Halgan iyo Al-Shabaab oo sheegatay inay dileen 43 askari Itoobiyaan

0
381

Halgan(INO)— Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar culus oo saaka waabarigii Al-Shabaab ku qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howl galka AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin loo adeegsaday gaari, waxaana kadib dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab weerar toos ah ku qaadeen saldhiga.

Dagaal xooggan oo muddo saacado socday ayaa Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanka, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan khasaaraha rasmiga ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa u soo gurmaday diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwaasoo ka qeyb qaadanayay dagaalka.

Dadka deegaanka Halgan ayaa sheegaya inay maqlayeen hub culus oo la is weydaarsanayay, iyadoo dagaalka kadib Al-Shabaab duqeeyeen deegaanka.

Waxaa jira dad rayid ah oo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaaray duqeynta Halgan, iyadoo deegaanka aanu laheyn wax isbitaal ah.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters inay dileen 43 askari Ciidamada Itoobiya ka tirsan.

“Waxaan dagaalka ku dilnay 43 askari ka tirsan Ciidamada Itoobiya, anagana waxaa naga geeriyootay tiro ka mid ah dagaalyahanadeena”ayuu yiri.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab la iska caabiyay, balse aanay u suura gelin inay Saldhiga qabsadaan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro xooggan oo labada dhinac ka soo gaaray dagaalka, maadaama dagaalka uu ahaa mid faraha looga gubtay, saacadana socday.

Deegaanka Halgan ayaa ku yaalla jidka laamiga ee u dhaxeeya Buulo Burde iyo Beledweyn, waxaana halkaas muddo saldhig u aheyd Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.

Al-Shabaab ayaa weerar kan la mid ah horay ugu qaaday saldhigyada Ciidamada Kenya, Uganda iyo Burundi ku lahaayeen Koofurta Soomaaliya, kaasoo ay kula wareegeen, isla markaana ku qabsadeen saanad hub ah.

La soco wixii warar ee dheeraad ku soo kordha weerarka

Idale News Online, Halgan