Uganda Oo Diiday Qorshe Ay DFS Ugu Ogolaatay Ethiopia Inay Saldhig Ka Sameysato Muqdisho

0
963

Muqdisho (INO) – Dowladda Uganda ayaa si xooggan uga hortimid qorshe ay dowladda Ethiopia dooneysay inay saldhig milatari uga sameysato magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay dayniilenet.com ogaatay.

Saldhiggan oo ay dooneysay Ethiopia in ay ka sameysato deegaanka Dayniile, ayaa waxaa aqbalay dowladda Soomaaliya ee Xasan Sheekh uu hoggaamiyo, hase yeeshee Uganda ayaa ishortaag ku sameysay, taasi oo dhalisay khilaaf xooggan oo ka dhex dhashay labada dal ee Ethiopia iyo Uganda.

Uganda ayaa u sheegtay dowladda Somalia in haddii Ethiopia ay saldhig ku yeelato Muqdisho, ay ciidamadeeda kala bixi doonto Somalia, taasi oo qasab ka dhigtay in dowladda Somalia ay ka laabato ogolaanshaheedii hore ee qorshahan

Dowladda Ethiopia oo ka carreysan arrintan ayaa ku gacan seertay hoggaaminta wareegta ee Amisom, oo kusoo aaday, waxaana taas beddelkeeda la wareegay dowladda Jabuuti, ayada oo uu qabtay Jeneraal Cusmaan Nuur Sugulle.

Waxaa jira tuhun ay Uganda ka qabto xiriir ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ethiopia, islamarkaana Ethiopia ay ku lug lahayd shirqooladii lagu weeraray dhowr saldhig oo ciidamada Amisom ay lahaayeen, oo boqolaal askari lagu dilay.

Sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen dayniilenet.com, Uganda ayaa rumeysan in Ethiopia oo saldhig ku yeelata magaalada Muqdisho ay halis gelin doonto ciidamadeeda jooga.

Idale News Online, Muqdisho