Gaashaamo ( INO)-Wararka laga helayo Tuulada Jaamac Dubad oo hoostagta degmada Gaashaamo oo qiyaas ahaan 220 km u jirta Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan Liyu Police ay weerar xoogan ku qaadeen dad shacab ah oo ku sugnaa Tuuladaasi.
Ilo wareedyo ku sugan deegaanadaasi oo la hadlay IdaleNews.com ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ku dhawaad 40 qof ay dileen islamarkaana ay gubeen Tuulada Jaamac dubad ee weerarka uu ka dhacay.
Dadka halkaas lagu laayay ayaa la sheegay in ay isugu jireen Caruur, Haween iyo dad da’ah.
Waxaana arrintaan walaac ka muujiyay dadka ku dhaqan deegaanadaasi, iyadoona lagu tilmaamay dhacdadii ugu xanuunka badneed ee halkaas ka dhacda.
Wararka waxa ay intaas ku darayaan in dadka la laayay qaarkood lagu dilay Masjid ku yaalla Tuulada Jaamac Dubad.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarka ay Ciidamada Liyu Police ku qaadeen dadkaasi shacabka ahaa.
Hase ahaatee muddooyinkii dambe ayaa halkaas la soo sheegayay in ay ka jireen xur guf salka ku heysa dagaal beeleedyo.
Idale News Online, Gaashano