Nairobi (INO)-Ralia Odinga oo ah hogaamiyaha isbaheysiga CORD ee dalka Kenya ayaa ka hadlay go’aanka dowlada Kenya ay ku dooneyso iney dib ugu soo celiso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab.
Odinga, wuxuu sheegay in dowlada Kenya looga baahan yahay xaqiijinta amaanka qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ka hor inta aysan dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed.
“Haddii Ciidamadeena lagu dilayo Soomaaliya, maxaa dadka rayidka ee ku sugan Dhadhaab loo celinayaa, ma waxaad u celineysaan inay dhintaan”ayuu yiri Odinga oo meel fagaare ah Sabtidii kula hadlayay dadweynaha reer Gaarisa
Raila Odinga, ayaa sidoo kale soo jeediyay in dowlada Kenya ay hakiso go’aanka ay dooneyso iney kusoo celiso qaxootiga Soomaaliyeed eek u sugan xeryaha Dhadhaab.
“Dadkaan waxay ka soo carareen dagaalo ka socday dalkooda, idinkana waxaa dooneysaan inaad dib u celisaan.
Idale News Online, Nairobi