Dowlada Ethiopia Oo DF Soomaaliya ku Qaalqaalineysa Arrin Halis Ah

0
856

Muqdisho(INO)- Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Dowlada Ethiopia ay wado qorsho ay Hubka fudud uga iibineyso Dowlada Somalia.

Qorshahaani Hub kala iibsiga ah ayaa waxaa iminka la sheegay in Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Tedros Adhanom uu usoo gudbiyay Safaarada ethiopia ay ku leedahya Somalia, taa oo usii gudbin doonta Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Warqada ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku saxiixan yahay Tedros Adhanom, islamarkaana uu ogyahay Ra’isul wasaaraha ethiopia, Hailemariam Desalegn.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sifeeyay noocyada Hubka ay ethiopia ka iibineyso Somalia waxaana kamid ah AK47, Qoriga loo yaqaan Dhashiikaha, Hubka garabka laga rido, BKM, RBG-7, Sabano, AT-14 iyo noocyo kale oo haddii ay iibsato Dowlada Somalia suuragalin kara in Somalia ay gasho khatar hor leh, maadaama uu jiro Musuq ay DF ku heyso Hubka.

Sidoo kale, warqada ay ethiopia soo gudbisay ayaa waxaa kamid ahaa in Somalia ay ka iibin karto gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan oo casri ah.

Golaha amaanka QM ayaa Dowlada Somalia, ka mamnuucday inay soo iibsato Hubka culus ee wax lagu gumaado.Docda kale, warqadaani ayaa haddii uu akhbalo Xassan Sheekh Somalia usoo dadajin karta cimri degdeg.

Idale News Online, Muqdisho