Muqdisho{INO}Allaha u naxariistee waxaa goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo ka tirsaneyd shaqaalaha Radio Muqdisho.
Wariye Sagal Salaad ayaa la sheegay in lagu dilay agagaarka Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Dad ku sugnaa goobta Gabadha lagu dilay ayaa sheegay in Kooxo hubeysan ay Wariye Sagal Salaad ku dileen afaafka hore Jaamacada Plasma ee ku taala Xaafada Banaadir.
Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay waxaana ay halkaasi ay ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.
W/Q;Wariye Siidcali Muuse Maxamed {Ateera}