Dr. Gaas, Axmed Madobe iyo Madaxweyne Shariif Xasan Oo Ku Bah-dilmay Magaalada Muqdisho

0
728

Muqdisho (INO) – Jimcihii waxay aheyd maalin seddexaad oo taariiqi ah oo waxaa magaalada Muqdisho yimid wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Turkiga Mr Erdogan oo ay wehlinayaan xubnaha qoyskiisa iyo wasiiro ka socday dowlada Turkiga.

Muhiimada Safarka madaxweyne Erdogan ayaa ahaa xarig ka jarista safaarada Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho, xarun caafimaad oo hooyada iyo dhalaanka loogu talo galay iyo balanqaadyo cusub oo Erdogan uu sameynayay.

Madaxweyne Erdogan waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiinta ugu sareyso dowlada Soomaaliya, balse dad badan ayaa isweydiiyay arin su’aal dhalisay oo aheyd markii dhismaha safaarada sida wafdi caalami ah utageen madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.

C/Welli Gaas oo kaligii gaari saarnaa, Axmed Madoobe, C/kariin Guuleed iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa tagay Safaarada Turkiga, waxaana aragtidooda kadib ay isweydiiyeen waxay sameyn doonaan, maadaama safarkii shalay Erdogan uu ahaa mid labo dowladood u dhaxeeyay.

Waxaa la wada sugayay halka ay joogsan doonaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada marka xarig ka jarista lagu sameynayo dhismaha Safaarada, balse ma aysan dhicin iney istaagaan halkii laga filayay oo waxay noqdeen sidii dadweyne soo dhaweynaya xarig ka jarista safaarada.

Waxaa kasoo horeeyay xaasaska madaxweynayaasha iyo wafdigii dowlada Turkiga ka socday, waxaana mararka qaar ay kaamirada qabaneysay iyadoo kasoo qoor dheereynaya dhabarka dambe ee madaxweynayaasha iyo wafdiga labada dowladood.

Sidoo kale markii ay dhacayeen hishiisyada u dhaxeeya dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya afartooda ma aysan joogin hoolka xaflada ay ka dhaceysay oo waxay ku sugnaayeen qeyb kamid ah safaarada.

Idale News Online, Muqdisho