Muqdisho (INO) – Madaxda Madasha Qaran oo uu shir ugu soo dhamaadey magaalada Muqdisho ayaa isla qaatey sharuud lagu xadidaayo musharaxiinta xilka xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya iyo kan Aqalka Sare ee doorashada Soomaaliya ee bisha August sanadkaan 2016. Madaxda Madasha ayaa sheegay in musharax walba laga doonayo inuu bixiyo lacag gaaraysa 5-kun oo dollar oo ah lacagta diiwaaangelinta.
Madaxda Madasha Qaran ayaan weli go’aan wadajir ah ka gaarin cida qaadaneysa lacagta ($5,000) shanta kun ee doolar ee la dul dhigay xildhibaanada cusub ee labada gole. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa isagu doonaaya in lacagtaas la siiyo dowlada dhexe halka maamul goboleedyadu iyaguna rabaan in qolaba lacagtii u soo xeroota maamulkooda la siiyo.
Shirka Madaxda Madasha Qaran ee 20ka b isha June laga qaban doono magaalada Baydhaba oo xarun ku meelgaar u ah maamuka goboleedka Koonfur Galbeed Somalia ayaa loo asteeyey in go’aan kama dambeys ah looga gaaro halka lacagta aadi doonto, hase ahaatee in aysan madaxda qaran ay wada ogol yihiin cadadka lacagta xildhibaanka cusub shuruud looga dhigay.
Guddiga Heer Federaal ee Doorashada Soomaaliya oo bishaan gudaheeda ay madaxda ku dhawaaqi doonaan ayay sidoo kale sheegeenin go’aan ka soo saari doonaan arrinta qaabka lacag qaadista iyo shuruuddo kale oo dhamaan ku qoran dastuurka Soomaaliya sida;
(a)Muwaadin Soomaali, Muslim ah;
(b) Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (30) sano;
(c) Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas;
(d) Dhimirkiisu dhan yahay;
(e) Gelin denbi culus oo ay maxkamadi xukuntay.
Idale News Online, Mogadishu, Somalia