Madaxweyne Erdogan oo 2 qodob dardaaran ah uga tagay Madaxweyne Xassan Sheekh

0
501

Muqdisho(INO)–Iyadoo maalinimadii shalay uu magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha dalka Turkiga Turkiga Recep Dayyip Erdogan, ayaa waxaa soo baxaaya dhaliilo uu Erdogan u jeediyay Xassan Sheekh wakhtiga kooban oo ay wada hadlayeen.

Erdogan ayaa qadar yar un ka hor inta uusan ka dhoofin Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Xassan Sheekh kula dardaarmay 2 qodob oo inta badan dowladaha saaxiibada la ah Somalia ay kasoo horjeedan gaar ahaan kuwa Muslimka ah.

Erdogan ayaa Xassan Sheekh kula dardaarmay in wakhtiga xilka uga harsan uu xooga saaro sida Ciidamada AMISOM looga saari lahaa Somalia iyo In DFS ay tijaabiso ciidamadeeda ku filan balse u baahan in si cadaalad ah loo maamulo.

Erdogan waxa uu Xassan Sheekh u sheegay in shaqsi ahaantiisa uu la socdo qaabka ay DFS u maamusho deeqaha kaga imaada dhanka caalamka, balse uu ku talinaayo in Dowlada Somalia ay u diirnaxdo ciidankeeda oo aan lasiin xuquuqda loo soo mariyo gacanta dowlada.

Erdogan waxa uu dareen gaar ah ka muujiyay qaabka ay Dowlada Somalia raali ugu tahay joogista ciidamada AMISOM, waxa uuna taasi ku micneeyay mid aan guul u noqon doonin Somalia.

Erdogan waxa uu ku baaqay in DFS ay si gaar ah u rabaayadeyso ciidamada duurka iyo magaalada qeybaheeda kala duwan ku dayacan, si ka hor inta aan AMISOM laga saarin dalka ay ciidamadaasi isugu filnaadan.

Haddalka iyo dardaaranka Erdogaan ayaa imaanaya xili DFS ay sharaf moodo in dalkeeda ay qaab shaqo abuur ah u joogan ciidamada AMISOM oo la rumeysan yahay inaysan qaban wax shaqo ah.

Idale News Online, Muqdisho