Al-Shabaab oo soo bandhigtay magacyada dagaalyahnadii hogaaminayey weerarkii Hotel Ambassador

0
754

Muqdisho (INO) – Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa soo bandhigtay codad aad u kooban oo ay ka duubeen ragii weerarka dhiiga badan uu ku daatay kaasi oo ka dhacay Hoteel Ambassador magaalada Muqdisho.

Maleeshiyada ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen tirro 40 ruux oo ay ku sheegen Somali iyo Ajaanib sida ay hadalka u dhigeen.

Dagaalyahnada weerarka fuliyay ayaa ku hadlaayay afka maayga, waxaana ragga hogaaminaayay kamid ahaa  naftii Hure oo lagu magacaabo Bishaar Cali Aadan iyo C/xamiid Sheekh Xassan ”Jaabir Yare” Jaabir Yare waxa uu kasoo jeeda Gobolka Sh/Hoose.

Dagaalyahnada codadka laga duubay oo ahaa labo ayaa ku faanay inay dileen gaalo iyo ajnabi ku dhex sugnaa gudaha iyo banaanka sare ee Hoteelka.

Dadka ku dhintay weerarka ay geysteen dhagar qabayaasha ayaa ahaa Soomaali muslimiin ah waxa ayna hadaladooda muujineysaa heerka uu gaarsiisan yahay fikirkooda xagjirnimada ah iyo in dadka ay xasuuqeen ee rayidka ah u arkaan gaalo.

Sidoo kale, codkan ay baahisay idaacada maleeshiyada Al-shabaab ayaa muujineysa in kooxdaasi awooda ay weli ku dhex leedahay magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka qaarkii.

Ugu dambeyntii, Dhanka kale, Dowlada Somalia oo ah mid aad u itaal yar ayaa iyana dadaalkeeda kusoo koobtay Tacsi iyo hanjabaad aan muuqan.

Idale News Online, Muqdisho