Museveni oo Fashilka Madaxweyne Xassan Sheekh uga sheekeeyay Madaxweyne Erdogaan

0
486

Muqdisho (INO)-Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Museveni oo kulan aan caadi aheyn la qaatay Madaxweynaha Turkiga Recep tayyip Erdogan ayaa uga war bixiyay ciidamada Ugandha ee ka howlgala Somalia iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan Madaxweynaha Somalia.

Museveni, ayaa Erdogan u sheegay in ciidamada dalkiisa ka jooga Somalia aysan heysan maqaamkii laga sugaayay Dowlada Somalia, waxa uuna tilmaamay in Dowlada Somalia ay dhowr jeer ka biyo diiday in EU-da ay usoo bandhigto dhibta ay ku shaqeeyan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Ugandha.

Museveni, waxa uu sheegay in ku dhawaad Lix warqadood oo khuseeya arrinta Mushaar la’aanta ciidamada Ugandha uu u gudbiyay Xassan Sheekh si arrintaasi uu kala hadlo wakiilka EU-da iyo Dowladaha kale ee fangareeya AMISOM, balse uu Xassan Sheekh kala kulmay jawaab ah inaanu awoodin in reer galbeedka uu kala hadlo howlaha AMISOM, haddii ay dhacdana aysan waxba ka qabaneynin taladiisa.

Museveni, waxa uu Erdogaan u cadeeyay in DFS aysan aheyn mid ka talisa Somalia, isaga oo tilmaamay in talada Somalia ay ka go’do reer Galbeedka.

Museveni, waxa uu sidoo kale, Erdogan u sheegay in Somalia ay awood ku leeyihiin reer Galbeedka waxa uuna sabab uga dhigay in mushaaraadka ciidamada Dowlada ay bixiyaan reer galbeedka sidaa aawgeedna ay reer galbeedka ugu suuragashay in taladooda ay ka socto Somalia.

Museveni waxa uu dhigiisa Turkiga ka dalbaday inuu wax ka qabto dhibta dhaqaale ee soo foodsaartay guud ahaan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Ugandha, waxa uuna intaa hadalkiisa raaciyay in Dowlad Turkiga looga baahan yahay inay ka faa’iideysato dalka Somalia oo dayacan.

Dhanka kale, Museveni waxa uu Erdogaan kula taliyay in saacadaha kooban ee uu booqashada ku joogo Somalia uu Xassan Sheekh kala hadlo in Somalia uusan gacanta ka bixin una gacan galin gumeystaha cadaanka ah.

Idale News Online, Muqdisho