Muqdisho(INO)— Diyaar garow ballaaran ayaa loogu jiraa soo dhoweynta Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo berri oo jimcaha lagu wado inuu soo gaaro magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Booqashada Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho ayaa ah tii 3aad, iyadoo sanadkii hore uu booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.
Inkastoo aanay dowladda Soomaaliya si rasmi ah uga hadlin imaanshaha Madaxweynaha Turkiga, ayaa hadana waxaa diyaar garow ku aadan imaanshaha Madaxweyne Erdogan laga dareemayaa waddooyinka.
Calanka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu dhajiyay waddooyinka, sidoo kale sawirka Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu dhajiyay hareeraha waddooyinka.
Waxaa olole nadaafadeed ka socdaa qeybo ka mid ah wadada maka Al-Mukarama oo ah halka la marsiinayo wafdiga Madaxweyne Erdogan.
Madaxweyne Erdogan ayaa lagu wadaa in maalinta berri uu xariga ka jaro Safaaradda Turkiga ku leeyahay Muqdisho oo ku taal degmada C/casiis, taasoo ah dhismaheeda si aad u casri ah loo dhisay.
Dhismaha Safaaraddan ayaa lagu tilmaamay tan ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay Afrika, waxaa ay ku dhinac taal Xeebta ama Badweynta Hindiya.
Turkiga ayaa dhowrkii sano ee u dambeeyay waxaa uu Soomaaliya ka waday howlo sama fal iyo mashaariic horumarineed, iyadoo Turkiga yahay dalka kaliya ee taageero toos ah siiya dowladda Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho