Turkiga oo qalad weyn ku tilmaamay dhaqaali dhamistii lagu sameyay howlgalka AMISOM

0
320

Muqdisho (INO)—Madaxweynaha Dowladda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo booqasho ku tagay Dalka Uganda ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo ka socda Dalka Soomaaliya.

Recep Tayyip Erdogan, Madxweynaha Dalka Turkiga ayaa qalad weyn ku tilmaamay dhaqaalo dhimistii dhawaan uu Ururka Midowga Yurub ku sameeyay Howlgalka AMISOM ee lagu xasilinayo Dalka Soomaalaiya.

Dhaqaalo dhimista lagu sameeyay howlgalka AMISOM ayaa sababay gaabis dhanka howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Madaxweynaha Dalka Kenya uu ku hanjabo in Ciidamadiisa uu kala baxayo Dalka Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa Bishii la soo dhaafay shaaca ka qaaday in ay dib u eegis ku sameyn doonto howlgalka Nabad Ilaalada ee AMISOM, kadib markii Ururka Midowga Yurub uu %20 jiray dhaqaalihii uu ku taageeryay howlgalkaasi.

Ugu dambeyn , Wakiilka gaarka ee Ururka Midogw Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa waxuu shaaca ka qaaday Lacagtaasi la dhimay ay ku taageerayaan Hay’addaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho